SIDEE U SHAQEEYAA DHAQAALAHA DUNIDA
Dhaqaalaha dunida waa nidaam ballaaran oo isku xiran, kaasoo maamula habka wax-soo-saarka, qaybinta, iyo isticmaalka khayraadka iyo adeegyada. Dhaqaaluhu ma ahan wax gooni u ah hal waddan, balse waa shabakad caalami ah oo isku xiran oo ay ku lug leeyihiin dawladaha, shirkadaha, shaqaalaha, macaamiisha, suuqyada, iyo bangiyada. Warbixintan waxay si cilmiyaysan u sharaxaysaa sida uu u shaqeeyo dhaqaalaha dunida, waxa saameeya, iyo doorka uu qof walba ku leeyahay nidaamkan.
- Maxaa Loo Yaqaan “Dhaqaalaha Dunida”?
Dhaqaalaha dunida (Global Economy) waa isku xirka dhaqaale ee dalalka adduunka oo dhan — iyadoo la isku beddelanayo badeecado, adeegyo, lacag, shaqaale, iyo tiknoolojiyad. Tusaale ahaan, mobilada laga sameeyo Shiinaha ayaa laga iibsan karaa Soomaaliya, iyada oo laga bixiyo lacag Mareykanku daabacay, lana adeegsado teknoolojiyad laga sameeyay Japan. Tani waa dhaqaalaha dunida oo shaqeynaya. - Saddexda Qeybood ee Ugu Muhiimsan Dhaqaalaha:
A. Wax-soo-saar (Production):
Waa abuurista badeecado iyo adeegyo, sida cuntada, dharka, qalabka elektarooniga, adeegyada caafimaadka iwm.
Waxaa ka shaqeeya warshado, beero, iyo shirkado yaryar iyo kuwa waaweyn.
B. Qaybinta (Distribution):
Waa habka badeecadaha iyo adeegyada loo gaarsiiyo dadka.
Waxay ku lug leedahay suuqyada, dhoofinta iyo ganacsiga.
C. Isticmaalka (Consumption):
Dadka ama shirkadaha ayaa wax iibsada si ay u isticmaalaan ama u sii iibiyaan. - Sida Ay Dalalka Iskaga Kaashadaan Dhaqaalaha
Dalalka adduunku waxay isdhaafsadaan:
Alaab: (Tusaale: Shidaalka laga keeno Bariga Dhexe, cuntada laga keeno Afrika)
Adeegyo: (Tusaale: adeegyada bangiyada, internet-ka, iyo tiknoolojiyadda)
Shaqaale: (Dad u safra waddamo kale si ay shaqo uga helaan)
Lacag: (Ganacsiga caalamka waxaa badanaa lagu sameeyaa dollarka Mareykanka)
Dal walba wuxuu leeyahay awood gaar ah, sida kheyraad dabiici ah, shaqaale jaban, ama tiknoolojiyad casri ah — taasoo uu ku dhoofin k - Bangiyada iyo Suuqyada Maaliyadeed
Bangiyada Adduunka (World Bank, IMF) waxay bixiyaan deyn, gacan ka geystaan horumarka, waxayna kormeeraan dhaqaalaha dalalka saboolka ah.
Suuqyada saamiyada (Stock Markets) sida New York Stock Exchange, waxay kor u qaadaan ganacsiga iyaga oo shirkado u helaya maalgelin.
Ganacsiga internet-ka (e-commerce) ayaa qof walba ka dhigay ganacsade caalami ah.