DAWADA RUUXDA – CASHARKA 1aad


Dawada ruuxda waa casharo taxane inoo ahaan doona oo aynu kaga hadli doono DAWADA RUUXDA, DAWADA QALBIGA, DAWADA MADAXA iyo guud ahaan farxadda bini-aadmiga. Waa casharo ugub ah oo u baahan in si dhabgal ah (practical) loo sameeyo.

Ruuxdu kama mid ah jidhka, balse waxay ku dhex nooshahay jidhka. Sidaa awgeed, looma arki karo in midba yahay midka kale. Jidhka iyo ruuxdu waa wax dhinac walba isu hiilinaya, balse kala madaxbannaan. Bilmetel, h
hadal baan kugu odhan, gacantayda oo aanan kaba warqabin ayaa tilmaan samaysa aniga oo aan gacanta amar siin una jeedin iyada. ANIGA iyo gacantayda waxaa naga dhexeeya xidhiidh qoto dheer. Waad soconaysaa, waxbaad cunnaysaa, waad cabbaysaa, waxyaalahaas oo dhammina waxay tilmaamayaan inaad tahay jidh iyo ruux si dabiici ah isu hiilinaya!


Haddii aadan daryeelin jidhka, waxaa naafooba ruuxda. Sidoo kale, haddii aadan daryeelin ruuxda waxaa naafooba jidhka

. Waa hal shilin labadiisa bog. Jidhka waa in la jeclaadaa – waa inaad la noqotaa saaxiib weyn. Waa HOYIGAAGA, waa inaad ka nadiifisaa dhammaan qashinka, waana inaad xasuusataa inuu si joogta ah u hayo ADEEGGAAGA, maalin iyo habeenba. Xataa marka aad huruddo jidhkaagu si joogto ah ayuu kuugu shaqaynayaa. Dheefshiidka, cuntadaada ayuu dhiig u beddelayaa, waxa uu jidhka ka soo saarayaa unugyadii dhintay, waxa uu jidhka ku soo kordhinayaa ogsijiin cusub, nafaqo cusub, ADIGANA waad huruddaa! Waxa uu wax walba u samaynayaa badbaaddadaada, noloshaada, in kasta oo aad tahay qof aan weligii mahadin oo aanad weligaa u MAHADNAQIN jidhkaaga. Taa lidkeeda, dadku waxay ku barayaan inaad si walba u nacdo muuqaalka jidhkaaga.


Waad ka badan tahay jidhka.

Looma baahnayn in lagugu koobo jidhka. Jacaylka jidhku ma aha mid ku sidkan ADIGA; naxariistu maaha mid qofku mooddayo in uu jidhka yahay. ADIGU waad ka madaxbannaan tahay. Jacaylka iyo naxariista waxaa u baahan jidhkaaga. Mar walba oo jidhkaagu wanaagsan yahay, waxaa fiican caafimaad qabka ruuxda. Waa midnimo organic ah.

Waxbarasho cusub ayaynu u baahanahay, taasoo asal ahaan qof walba lagu barayo dunida gudaha – si kale haddii loo dhigo, is-ahaanshaha qofka – qof walbana waa in loo diyaariyaa inuu u naxariisto jidhkiisa, iyo ruuxda. Maxaa yeelay, haddaadan jidhkaaga iyo ruuxdaada u naxariisan, jidh kale, iyo ruux kale uma nixi kartid. Jidhku waa noole nool oo aan waxba ku yeelin. Unug walba waxa uu u adeeggayaa ADIGA. Tan iyo markaad uuraysatay ayuu si joogto ah u shaqaynayaa, oo ilaa aad dhimatid ayuu kuu shaqayn doonaa. Waxaad ku samayn kartaa wax kasta oo aad doonayso in aad ku samayso; xataa wax aan macquul ahayn, daqiiqad kuguma caasiyoobayo!

Waa wax aan sinnaba la qiyaasi karin in la abuuro farsamo sidaas oo kale u hoggaansan oo caqli badan! Haddii aad ogaato dhammaan shaqada jidhkaaga waad irkigi lahayd. Hadda ka hor waxaan ka diyaariyay dhigaal aad u dheer oo ASHQARAAR AH. Weligaa ma aad ka fikirin waxa jidhkaagu samaynayo. Waa mucjiso xigmad badan hugan. Laakiin weligaa ma aad eegin. Weligaa kuma dhibin inaad jidhkaaga barato – oo waxaad iska dhigtaa inaad dadka kale jeceshahay! Ma awooddid – xaqiiqiyan, sababtoo ah dadka kale waxay kuugu muuqdaan sida JIDH!


Jidhku waa sirta ugu wayn ee jiritaankoo dhan.

Sirtani waxay u baahan tahay in la jeclaado – sirteeda iyo shaqadeeda waxay u baahan tahay in si hoose wax looga weyddiiyo. Waa nasiib darro in aan dadka la barin jidhkooda. Laakiin waa wax iska cad in aan dadka la barin ASHQARAARKA JIDHKOODA, waayo haddii uu qofku barto mowhibooyinka ku dahan (hidden) gudihiisa, iyo xigmadda jidhka, uma baahna in uu dhibane u noqdo wadaad, waalid, aqoonyahan, siyaasi, reer, dhaqan, nacayb, iyo dagaal. Waxa uu heli doonaa waxa ugu qalisan naftiisa.



Qofku waa inuu jidh ahaan, maskax ahaan, laxaw ahaan iyo ruux ahaanba u caafimaad qabo.

Waa waajib diiniya, waayo noloshu waa mas’uuliyad xagga Alle ka timid. Markaynu ka fikirno nafteena, iyo sida aynu u abuurranahay, iyo yaabbabka jidhka ka jira, waxa aynu u hoggaansamaynaa ABUURRAHA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *