DAWADA RUUXDA – CASHARKA 4aad

Casharadan dawada ruuxda waxaynu ku billownay muhiimada jidhka bini-aadmiga.

Welina annaga oo ku dhex jirna xubnaha jidhka ayaynu lugaha ku xijinay, kaddib cunaha, imminkana caloosha ayaynu maraynaa. Arrimahan ruuxda lagu dawaynayo waa silsilad dheer oo ka billaabanta jidhka, kaddib waxaynu uga gudbi doonaa MADAXA (fikirka iyo maanka), kaddiba QALBIGA (laxawga iyo dareennada), kaddib tamarta GALMADA, kaddib ayaynu annaga oo wax walba si qoto dheer u fahansan u iman doonaa ASHQARAARKA RUUXDA.Mar kasta oo aad subaxdii kortagto si aad u faaruqiso mindhicirkaaga, qaado tuwaal qallalan, ama ku xidho caloosha suun, oo ceeji calooshaada.

Aroorta hore haddaad galaas caano geel ah qac ka siiso waa shaxshax iyo howl-fududays.

Calooshu waa dhamme marka laga hadlayo xubnaha jidhka. Waa halka awoodda, iyo caafimaadka qofka 75% laga xukumo. Xubin walba oo jidhka ka mid ah waxa ay leedahay hab loo daaweeyo, iyo waxyaabo joogteeyo caafimaadkeeda. Ka billow geeska midig oo si adag ugu wareeg – caloosha soo jiid si mindhicirrada gudaha oo dhan loo duugo. Samee mar kasta oo aad kortagto – ilaa laba jeer ama saddex jeer maalintii. Midda labaad: Maalintii, inta u dhaxaysa qorrax ka soo baxa iyo qorrax dhaca – weligaa habeenkii – si qoto dheer u neefso inta aad awooddo, inta jeer ee aad awooddo. Mar kasta oo aad neefsato, way sii fiicnaanaysaa, marka aad si qoto dheer u neefsato, way fiicnaanaysaa calooshu. Laakiin xasuusnoow hal shay: neefsashadu waa inay ka soo baxdaa caloosha ee maaha inay ka soo baxdo xabadka (chest), si marka aad neefsato ay caloosha kor ugu kacdo – ma aha shafka. Markaad neef-qaadato caloosha ayaa baxda, markaad neef-baxdana caloosha ayaa is-gasha. Xabadka uga tag sidii wax aan dhaqdhaqaaq lahayn. Kaliya ka neefso caloosha, sidaas darteed maalinta oo dhan waxay noqon doontaa DUUGIS QARSOON!Wax ka baro ilmaha yar. Daawo ilmo yar oo neefsanaya.

Taasi waa habka saxda ah ee dabiiciga ah ee neefsashada.

Waa mid ka mid ah MOWHIBOOYINKA dabiiciga ah ee ku burburay gacmaha waalidka!Caloosha ilmaha yar ayaa kor iyo hoos u socota oo xabadka ayaa ah mid aan wax saameyn ah ku yeelan marinka hawada. Tamartiisa oo dhan waxay ku urursan tahay xuddunta agteeda. Waxaan luminay xidhiidhka XUDDUNTA (Xudduntu waa mid ka mid a ashqaraarka ugu weyn jidhka bini-aadmiga). Waxaan aad iyo aad u badan oo aan ka laadlaadnaa MADAXA.

Neefsashadu waxay noqon doontaa mid kugu xidha unkankaagii oo ah XUDDUNTA.Sidaa darteed mar kasta oo aad xasuusato inta lagu jiro gef-habyaanka maalinta, neefta u qaado sida ugu qoto dheer ee suurtogalka ah – laakiin caloosha ha la ADEEGSADO. Qof kastaa si sax ah ayuu u neefsadaa xilliga hurdada sababtoo ah maskaxdu faragelin kuma hayso neefsashada. Waana sababta aad subixii xasillooni, iyo nafis qoto dheer u dareenno – ka warran haddaad maalintii oo dhan hurdo ku jirto, adiga oo aan hurdin? Waa ashqaraar iyo farxad aan dhammaad lahayn.Isla aroortaa hore, hadday suurtowdo duurka u bax, oo geedaha dhexdooda istaag, oo geed geedaha ka mid ah NOQO, dabayshuna ha ku dhex marto.

Inaad dareento in aad GEED TAHAY waa waayo-aragnimo aad ku luminayso ku dhawaad 66% cudurrada nafsiga ah.

Waa mid xididka u siibaysa ku-sidkanaanta (attachment), ku-tiirsanaanta (dependence), Ego-da, isku-aqoosiga (identification), iyo la falgalka dareennada aan loo baahnayn. Waa mid aad u xoojinaysa xorriyadda gudaha qofka oo nafaqaysa. Waxaad si fudud ula falgalaysaa baraadka dahiran ee ahaanshaaga; NOQO GEED!La hadal geedaha oo isku duub. Haddii ayna suurtogal ahayn in aad duurka u baxdo, waxaad istaagtaa qolkaaga badhtankiisa, oo mala-awaal in aad geed tahay – sawiro in roob da’ayo oo dabaylo xooggan kugu dhacayaan oo qoob-ka-ciyaar billow. Laakiin u qoob-ka-ciyaar sida GEED oo kale,

waxaad awooddi doontaa inaad hesho qulqul iyo ugub ah. Haddii aad dhabgaliso barashada farshaxankan, waxaad noqon doontaa mid aad u faraxsan. Waxaad u guuri doontaa ADDUUN KUU GAAR AH, oo si joogto ah kula jooga!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *