
DAWADA RUUXDA
Madaxu waa mid ka mid ah ALHUUMOOYINKA ugu waaweyn ee ragaadiyay HAL-ABUUR badan
Waa isbaarrada ugu adag ee qof ka XOROOBO. Waa halka qof walba laga addoonsado. Ogaal iyo ogaal la’aan, waa halka qof walba bidde u yahay qof kale! Waa halka laga xukumo BULSHADA. Waxaa xidhe-fure u ah: Siyaasiyiinta, wadaaddada, oday dhaqameedka, waalidka, macallinka, iyo qof walba oo bulshada MURAAYAD U AH, balse MUGDI u ah!Ugu horrayn, intaynaan ka hadlin MAANKA, waa inaynu ogaanno, saw ma aha?
Waa maxay MAANKU?
Sidee uga jawaabi lahayd su’aal caynkaas ah? Waa maxay habka laguu dejiyay marka aad su’aashaas ISWEYDDIINAYSO? Fadlan MAANKAAGA FIIRSO oo ha sugin in aan ka jawaabo. Su’aashan isweyddii: waa maxay MAANKU? Sideed uga jawaabi lahayd, YAASE ka JAWAABAYA? Sidee wax ugu fiirsataa? Sideed u dhawrtaa geed? Dushiisa miyaad jalleecdaa; mise waxaad dhawrtaa jirridda, laamaha, caleemaha, ubaxa, midhaha – geedka oo dhan? Sideed u dhawrtaa shay gabi ahaan? Waxaan rajeynayaa inaanan ka dhigin wax aan la taaban karin, iyo falsafad, laakiin waxaan qabaa in qofku uu FAHMO waxaas oo dhan. Marka aan isweyddiinno su’aasha: waa maxay MAANKU?, sidee uga jawaab celisaa weyddiintaa? XARUNTEE ka timid, asalkee ayaad ka soo jeeddaa? In aad SHAY u aragto si GIDDI (totality) ah, cusub, MAXAAD QABATAA?!
Ogaanshaha MAANKA si fudud waa BIOCUMPUTER. Ilmuhu markuu dhasho MAAN ma lahan; wax hadal iyo fikir ah oo dhex socdaa ma jiro. Waxay qaadataa ku dhawaad ​​saddex ilaa afar sano in ay bilaabato inay shaqeyso. Waxaadna arki kartaa in habluhu hadalka ka hor bilaabaan wiilasha. Waxay leeyihiin sanduuqyo-sheekeysi oo ka weyn kan ragga!
Waxay u baahan tahay xog in lagu shubo; waa sababta haddii aad isku daydo in aad xasuusato noloshaadii ilmonimo aad ugu dheggan tahay wixii afar jir ka dambeeyay, ama marka aad saddex jirtid haddii aad naag tahay. Intaa wixii ka dambeeya waa bannaan.
Ma jiro ADDUUNKA ruux xasuusan kara. Da’daa markaad joogtay; Waxyaabo badan ayaa dhacay, dhacdooyin badan ayaa dhacay, laakiin waxaad mooddaa in aanay jirin wax xusuus ah oo la duubay, markaa ma xasuusan kartid. Laakiin si cad ayaad u xasuusan kartaa ilaa afar iyo saddex jir wixii ka dambeeyay haddaad MAAN fayow leedahay. Maskaxdu waxay xogta ka ururisaa waalidka, dugsiga, carruurta kale, deriska, qaraabadda, wadaaddada, bulshada… agagaarka waxaa ka jira ilo WAAWEYN!

DAWADA RUUXDA – CASHARKA 8AAD
Ilmuhu markay samayn karaan jumlado, waxay sameeyaan in ay ku celceliyaan marar badan. Marka ay bilaabaan inay su’aalo isweyddiiyaan waxay ku weyddiin wax kasta. Xasuusnow, ma xiisaynayaan jawaabahaaga! Daawo ilmaha markuu su’aal ku weyddiiyo; ma danaynayo jawaabtaada ee fadlan ha siin jawaab dheer oo ka timid BULSHADA! Cunugu ma xiisaynayo jawaabta; Ilmuhu si fudud ayuu ugu raaxaysanayaa in uu wax ku weyddiin karo. MACALLIN cusub ayaa ku soo biiray isaga! Waana sida uu wax u ururinayo; dabadeed wuxuu bilaabayaa inuu wax akhriyo… iyo erayo kale. Bulshaduna aammusnaan ma bixiso; ereyo ayay bixisaa, oo inta aad hadal badan tahay, waxaa badanaya MUSHAHARKAGA. Waa maxay MAANKAYAGU? Maxay yihiin siyaasiyiintaadu? Maxay yihiin macallimiinteennu? Maxay yihiin wadaaddada, abwaannada, aqoonyahannada, faylasuufyada – hal shay? Aad bay u hadal badan yihiin. Waxay yaqaannaan sida erayada loo adeegsado si macno leh, si weyn, joogto ah, si ay dadka u soo jiitaan!
Waa dhif in la ogaado in bulshadeenna oo dhan ay ka taliyaan dad af-ku-hadalka yaqaan, balse aan AFTAHAN ahayn! Waxaa laga yaabaa in aanay waxba garanayn; waxaa laga yaabaa inaysan caqli lahayn; xataa waxaa laga yaabaa inaysan caqli lahayn! Laakiin hal shay ayaa hubaal ah: waxay yaqaanniin sida ereyada loogu ciyaaro. Waa ciyaar, wayna barteen.
Ereyo-la-ciyaarku waxay bixisaa ixtiraam, lacag, awood ahaan dhinac kasta! Markaa qof kastaa WUU ISKU DAYAA, oo qof walba wuxuu jecel yahay in uu maskaxda ka buuxiyo ereyo badan, iyo fikraddo badan. Balse kombayuutar kasta waad shidi kartaa ama dami kartaa – laakiin ma damin kartid MAANKA. Shidaal kuma jiro. Ma jirto wax tixraac ah oo Alle markii uu dunida sameeyay ee uu bani’aadamka sameeyay uu maskaxda u rogay si aad u shido ama aad u damiso! Ma jiro wax beddel ah, markaa dhalashada ilaa dhimashada way ku shidan tahay! Waad la yaabi doontaa dadka fahmay kombuyuutarrada iyo maskaxda bini’aadamka. Waxay qabaan fikrad aad u yaab badan.
Bilmetel, haddaynu maskaxda ka saarno madaxa qofka bini’aadamka ah oo aynu si macmal ah u noolayno waxay u shaqyn si la mid ah sida ay imminka ugu shaqayn madaxa bini’aadamka. Wax dhib ah maleh in ay hadda isku xidhi la’dahay miskiinkii la ildarnaa; wali way riyoonaysaa! Hadda oo ay ku xidhan tahay mishiin, weli way riyoonaysaa, weli way fikiraysaa, weli way baqaysaa, waxay weli ka shaqaynaysaa nayaayiro, waxay isku dayaysaa inay wax noqoto. Qofkii ay ku xidhnaan jirtay hadda ma joogo! Maskaxdan waxay sii noolaan kartaa kumannaan sano iyada oo ku xidhan aaladaha farsamada, waxayna sii wadan doontaa haasaawaheeda (chatter), sababtoo ah weli ma aanan awooddin inaan barno waxyaabo cusub.
Marka aynu wax cusub barno waxay kuu soo celinaysaa WAXYAALO CUSUB!
Waxaa jirta fikrad ku baahday mareegyada sayniska oo ah inay tahay DHOOHNAAN weyn in nin sida Albert Einstein uu dhinto oo maskaxdiisu ay la dhimato. Walow uu Thomas Harvey MASKAXDA ka saaray Albert toddobo saac iyo badh kaddib dhimashadiisa. Haddii aan badbaadin karno maskaxda, ku tallaali karno maskaxda qof kale jidhkiisa, markaa maskaxdu way sii shaqayn lahayd. Dhib ma laha in Albert Einstein uu nool yahay iyo in kale; Maskaxdu waxay sii wadi doontaa inay ka fikirto aragtida isu-dheellitirka, ama isu-dhiganta (Theory of relativity), ku saabsan xiddigaha, iyo cilmiga fiisigiska. Fikir ayaa ah haddii sida ay dadku ugu deeqaan dhiiga ay dadku u door bidaan in ay MASKAXDOODA ku deeqaan; haddii aan dareenno in ay leeyihiin maskax SOOC ah, tayo sare leh, waa DHOOHNAAN aad u xun in ay la dhintaan.
