DAWADA RUUXDA – CASHARKA 3aad

DAWADA RUUXDA – CASHARKA 3aad

Laga soo billaabo yaraantaadii haddii hadalkaagu aannu ahayn sidii la rabay – aadan awooddin inaad sheegto waxaad rabtay inaad tiraahdo; ma awooddid inaad tiraahdo waxa aad rabto in aad tiraahdo, waayo tamarta AAN LA SHEEGIN ayaa cunaha ku haysa.

Cunaha waa udub dhexaadka hadalka:

maaha xarunta wax liqidda oo keliya ee waa udub dhexaadka wax sheegidda. Laakiin dad badan ayaa xarunta dhuunta u isticmaala wax liqidda oo kaliya! Taasi waa kala badh isticmaalkeeda, badhkii kalena, oo ah inta ugu muhiimsan ayaa dad badan dayacan. Markaa waxa jira dhawr waxyaalood oo ay tahay in la sameeyo haddii aad u baahan tahay in aad noqoto mid wax sheegi kara oo codkar ah.Haddii aad qof jeceshahay, ku hadal waxyaalaha aad doonayso inaad ka hadasho, xataa hadday doqonnimo la tahay qofka kale; mararka qaarkood waxaa fiican in aad NACASNIMO NOQOTO! Waxaad ku tidhaahdaa waxyaalaha xamaasadda leh ee kugu dhasha; dib ha u celin.

Haddii aad qof jeceshahay, markaas gabi ahaanba isballaq; ha isku sii hayn xakamayn.

Haddii aad xanaaqsan tahay oo aad rabto in aad wax sheegto, si kulul u sheeg!

Cadhada qabow ayaa ka shar badan cadho kulul, marna ha sameyn – sababtoo ah xanaaqa qabow runtii waa KHATAR. Taasi waa dhaqanka bulshadu ku bartay: qaboow xitaa markaad xanaaqsan tahay, laakiin markaa suntaas ayaa ku sii jiri doonta ruuxdaada. Waxaan nahay bulsho nolosha qayb kaliya kaga dhaqma.

Faham qayb ah, fal qayb ah, jacayl qayb ah, waalidnimo qayb ah, diin ku dhaqan qayb ah; ma jiro fal dhammaystiran. Nolosheennu waa waslad (fragmentary). Weligaa wax ma u aragtay giddi? Mararka qaarkood waa dawo in la qayliyo iyo wixi la mid ah oo dareen kasta leh.Habeen kasta fadhiiso hayjad cidlo ah oo madaxa lul.

Lulitaanku waa mid ka mid ah hababka qadiimiga ah ee lagu nadiifiyo tamarta fadhida cunaha. Haddii wax dhuunta ku jiraan, tamar badan ayaa loo baahan yahay, daad badan ayaa loo baahan yahay. Waa in koontaroolkaagu yaraado oo tamartaadu badato. Samee shan iyo toban ilaa labaatan daqiiqo.Sameeh jimicsigaan ka hor hurdada, kaliya lul madaxaaga, oo billow inaad tiraahdo, “Allaah, Allaah, Allaah dheh,” marka aad dhinac u baxdo, ka dib “Allaah,” markaad dhinaca kale aaddo, sidoo kale dheh “Allaah.” Waxaad dareemi doontaa tamar dheeraad ah oo ququl ah. Waxaad heli doontaa tamar aad u kulul, iyo farxad ugub ah. Waxaad noqonaysaa qof firfircoon. Sidan samee ugu yaraan labaatan daqiiqo ka dibna seexo..Biyo-xireenka cunuhu markuu jabo waxaa kuu furmi doona salka tamarta lafdhabarta oo ay ku sugan yihiin heertamarro, ereyo ugub ah iyo geesinnimo dheeri ah!

la soco casharka 4aad ee Taxanahenii ahaa DAWADA RUUXDA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *