DAWADA RUUXDA – CASHARKA 5AAD

DAWADA RUUXDA – CASHARKA 5AAD

Dad badan ma leh QULQULKA TAMARTA.

Waxaa xidhan ilaha TAMARTA. Waana waxa ugu wacan WAHANKA, MURUGADA, DAALKA, QULUBKA, iyo hundhurka nafsiga ah. Tamarta jidhka waxaa had iyo jeer xambaara JACAYLKA. Waxay had iyo jeer u socotaa dhinaca shayga la jacel yahay. Markaa mar kasta oo aad dareento cudurrada kore, waxaa kugu furan BURQAD-TAMAREED xoog badan, taasi waa farriin, iyo sir ah in la socodsiiyo. Haddaba, soo hel shay aad jeceshahay.

Shay kasta waad adeegsan kartaa; taasi waa cudur daar uun. Haddii aad si kalgacal leh u taabato geed tamartu way qulquli doontaa, sababtoo ah meel kasta oo JACAYLKU joogo tamar ayaa ku soo qulqulaysa! Waxay la mid tahay biyaha hoos u qulqulaya, sidaas darteed meel kasta oo ay BADDU joogto biyuhu waxay raadiyaan heerka badda oo way sii socdaan. Meel kasta oo jacayl ka jiro, tamartu waxay raadisaa “HEERKA JACAYL” – way u socotaa! 

Mar walba oo dareennada nafsiga ah kugu furmaan, si sahal ah, hal-abuur leh ayaad uga faa’iidaysan kartaa.

Ma aha in aad SIGAAR cabto. Ma aha in aad JAAD cunto. Ma aha in aad SIIGAYSATO. Ma aha in aad daroogo kale; ama is-muddo. Waa tamar u baahan in hab togan looga faa’iidaysto. Waa masaargaabnimo in aad xaqiiqda ka baxsato. Sidoo kale waa qof damman qofka mar walba TAMAR abuuraya, haddana falaya waddadii uu ku BURBURIN lahaa! Duugista shay ayaa ku caawin kara; haddii aad u sameyso si kalgacal leh way ku caawin kartaa. Laakiin WAX KASTA ayaa ku caawin kara.

Bilmetel, dhagax gacantaada ku qaado oo jacayl qoto dheer oo kalgacal leh u QAAD DHAGAXA. Indhahaaga xidh oo dareen jacayl weyn oo aad DHAGAXA U QAADAY – ku dheh waad mahadsantahay in dhagaxu jiro oo uu ku mahadsan yahay in uu aqbalay JACAYLKAAGA. Si lama filaan ah waxaad arki doontaa: in ay jirto garaac iyo tamar dhaqaaqeysa! Markaa marba marka ka dambaysa looma baahna inaad haysato SHAYGA, markaas fikradda xataa waa la tuuri karaa ah in aad SHAY jeceshahay. Hadda tamar keliya ayaa socota. Sirtu waxay ahayd in tamarta la socodsiiyo. Keliya tamarta ayaa socon doonta. Waxaa mar qudha UUMI BAXAYA cudurrada kore oo dhan. Waxaad billaabaysaa hal-abuur iyo firfircooni cusub. Hadda ma tihid qof ay tamar ku DHEGGAN tahay.

Jacaylku waa furaha kiciya QULQULKA TAMARTA,

mar kasta oo aad qaboowdana waxaa sabbab u ah JACAYL LA’AAN. Jacaylku waa diirimaad, baraftuna KUGUMA dhici karto haddii KULAYL JIRO. Marka jacaylku meesha ka maqan yahay wax walba waa QABOW. Waxaad billowday inaad hoos uga dhacdo BARTA EBER!

Haddaba waxaa ka mid ah waxyaabaha aadka u muhiimka ah in la xasuusto: jacaylku waa diirran yahay, sidoo kale nacaybku waa la mid; DANAYN LA’AANTU WAA QABOW! Mararka qaarkood xitaa markaad nacdo qof, tamartu waxay billowdaa inay dareerto. Dabcan socodkaasi waa BURBUR. Cadho awgeed, tamarta ayaa billowda inay soo qulqulayso sababtaas awgeed ayay dadku waxay dareemaan nafis iyo wanaag ka dib XANAAQA! Balse waa tamar aad wax u gumaada, oo mararka qaar DIL SABBABTA.

Waxay noqon lahayd mid hal-abuur leh haddii jacayl lagu sii dayn lahaa, waxaase ka liita inaan la sii dayn. Haddii aad dan la’dahay, ma QULQULAYSO. Markaa wax kasta oo ku dhallaalinaya oo ku kululaynaya ayaa wanaagsan.

Hadda isku day, dhagax ama wax la mid ah. U koolkooli sida MIYIGA ilmaha yar u ciyaarsiiyo dhagaxda, oo arag waxa dhaca! Oo noqo mid dhab u JECEL. Isku day, dabadeed markaad gudahaaga ka dareento in TAMAR QULQULAYSO iska fadhiiso. Is-xasuusi qof ama shay aad jeceshahay; nin, naag, ilmo, dhagax, ama ubax. Xasuusnoow ubaxaas fikrad ahaan keliya – oo si lama filaan ah waxaad arki doontaa in tamartu socoto, Kaddibna iska tuur FIKIRKAAS, SIDOO KALE.

furaha Jacaylku waa furaha qulubka tamarta

Maalin walba oo aad cudurrada nafsiga ah dareento sidan sameeh. Waa sirta iyo furaha FARXAD aan dhammaad lahayn. Waa habka ugu fudud ee lagu degeltiro cudurrada welwelka iyo walaahowga. Imminka waad garanaysaa furaha. Jacaylku waa furaha QULQULKA TAMARTA. Waa maaxda isha farxadda. Qulqulka tamartuna waa dawada dareennada nafsiga ah!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *