DAWADA RUUXDA – CASHARKA 6aad

DAWADA RUUXDA – CASHARKA 6aad

Marka aad tahay qof dhallinyaro ah waxaa aad kugu badan BURQAD-TAMARREEDYO kala jaad ah. Oo ay ugu xoog badan tahay TAMARTA MALANDA. Waana waxa dhallinyarada ugu wacan falalka kufsiga, iyo falfalxumada maandooriyaha. Marka ay tamar badan ku jirto jidhkaaga oo aanad garanayn waxaad bilaabaysaa in aad falal arxan daran sameyso – naftaada kula kacdo, ama dadka kale.

Habluhu falka ugu yar ee ay sameeyaan waa in ay ciddiyahooda cunnaan, halka ragga falka ugu yar yahay in ay cabbaan sigaar.

Qofku waa inuu wax sameeyaa – ciddiyaha qaniinaa ama sigaar cabbaa, ama SIIGAYSTAA! Qofku wuxuu bilaabaa inuu sameeyo wax kasta si uu ugu sii jiro xasillooni; haddii kale tamartu waa olol aadan xamili karin. Marka ay dadku ku cambaareeyaan, BURQAD TAMARREEDYO ayaa neerfaha ku fataha – markaas cadaadis badan ayaa dhacaya. Xitaa xor uma tihid inaad ciddiyahaaga qaniinto! Xataa xabad sigaar ah ma shidan kartid. Ciddiyaha adigaa leh oo xataa laguuma oggola inaad ciddiyahaaga qaniinto.

Dabadeed dadku waxay helayaan habab khiyaano leh oo XANJO RUUG AH. Kuwani waa siyaabo khiyaano leh. Waa hababka xaqiiqda la isu moodsiiyo. Waa in aad barataa sida TAMARTA loogu beddelo hal-abuur. Waa in aad barataa in aad si tamar badan u noolaato, dabadeed, waxaas oo dhammi way baaba’ayaan. Ciyaar badan, qoob-ka-ciyaar; badso dabaasha, u socod-dheeree dhanka duurka, iyo u baxa. Ku beddel xidhiidhka BULSHADA xidhiidhka DHIRTA IYO DHAGAXDA. U adeegso tamartaada habab hal-abuur leh. Ka gudub inta ugu yar una gudub inta ugu badan. Noolow nolol GIDDI (totality) ah. Haddii aad samaynayso jacayl markaas samee jacayl DUURJOOG AH. Ma aha in aad nolol waslad ah (fragment life) noolaato. Duurjoog noqo!  

Hadda ilmo ma tihid, sidaas darteed waa laguu oggol yahay inaad hogagga iyo dhadhaabaha cidlada ah la saaxiibto. Bood-bood oo ISYEELLO ADIGU.

Kaliya isku day intan dhowr toddobaad oo waad la yaabi doontaa: ciddiyo-cunnista ayaa iskeed u baaba’aysa. SIIGADA ayaa uumi baxaysa. Falfalxumada oo dhan ayaa ADIGA kuu hoggaansami doonta – hadda iyagaa ku HOGGAAMIYA. Hadda waxaad haysataa waxyaalo xiiso badan oo aad qabato – yaa kala jacel falalka gaadaamiyay (qarqarsiyay) nolosheenna? Mar walba fiiri sababta oo weligaa ha ka welwelin CALAAMADAHA!

Mararka qaar keligaa meel cidlo ah tag.

U qosol si waalli ah. Samee qosol beer-casaad (guffaw) ah. Oggolow in qosolkaas ku faafo caloosha ilaa jidhkaaga oo dhan. Waa in aad GACMAHA ka qosli kartaa adigoo qoslaya, CAGAHA ka qosli kartaa; si waalan u qosol. Labaatan daqiiqo samee qosolka. Hadduu qaylo iyo ASHQARAAR ku yimaaddo u oggolow. Hadduu marna aammusnaan iyo isla-yaab ku yimaaddo marna aammusnaan iyo qaylo – oggolow, laakiin labaatan daqiiqo oo qosol ah samee.

La xidhiidh dhulka, iyo dabeecadda. Carrada iyo dhulku waa abuurkeena asalka ah. Mararka qaar gogol jidhkaaga DHULKA, kaliya dareensii in dhulku yahay HOOYO oo aad tahay ilmo. Ku lun dareenkaas! Dhulka neefso oo dareen mid dhulka ka mid ah in aad tahay. Dhulka waanu ka nimid maalin maalmaha ka mid ahna waan ku laaban doonaa.

Fiiro gaar ah:- Waxaa sidaa inoo ku dhammaaday DAWADA xubnaha jidhka, iyo guud ahaan farxadda JIDHKA. Waxaynu bilaabi doonaa DAWADA MADAXA!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *